Site icon HORUFADHI MEDIA |

Xildhibaano kamid noqonaya Golaha Shacabka oo lagu doortay Baydhabo

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed ka socota Doorashada Xildhibaanada golaha Shacabka, waxaana inta badan doorashada socota natiijadeeda tahay mid lasii ogyahay.

Doorashada kursiga HOP 213 uu horey ugu fadhiyay Xildhibaan Yacquub Cali Maxamed waxaa ku guuleesatay Aamina Maxamed Mursal oo aheyd lataliyaha dhinaca Haweenka ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed .

Aamina Maxamed Mursal oo kursigan ay ku guuleesatay loo xiray ayaa heshay 79-cod halka haweeneydii la tartameysay oo lagu magacaabo Aamina Xuseen Cismaan iyana ay heshay 12 cod .

Waxaa sidoo kale kursiga labaad ee lagu doortay magaalada Baydhabo ku guuleestay Saadad Maxamed Nuur Caliyow oo helay 87-cod halka Maxamed Axmed Maxamed oo la tartamayay isna helay  helay 9 cod waxaana  xumaaday  4 cod.

Siyaasigan loo doortay kursiga Xildhibaanimo ayaa noqonaya shaqsigii ugu horeeyay oon taabacsaneyn Xukuumadda iyo Madaxweyne Laftagareen oo Baydhabo lagu doorto, waxa uuna ninkan katirsan yahay Xisbiga Wadajir uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Exit mobile version