Site icon HORUFADHI MEDIA |

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo la doortay

Waxaa saakay magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada labo kursi oo kamid ah kuraasta gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxaana doorashadan kusoo baxay labo Xildhibaan oo horey loogu xiray.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#243 waxaa ku guuleesatay Samsam Muxumed Cumar oo qaan gacan taag ah loogu codeeyay ,kaddib markii doorashada ka tanaasushay musharaxii la tartameysay Dallays Cali ibraahim .

Waxaa sidoo kale kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#206 Maxamed ibraahim Cabdi , waxaana tartanka kursigan ka tanaasushay gabar uu musharaxan soo qortay oo lagu magacaabo Maryam ibraahim Cabdulaahi.

Doorashada kuraadsta Gobolada Waqooyi ayaa inta badan ahaa kuwa gacan tag ah oo ay kusoo baxeen Xildhibaanada, waxaana doorashada Gobolada Waqooyi ka dhacday Dugsiga Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Exit mobile version