Site icon HORUFADHI MEDIA |

Xildhibaano cusub oo Maanta lagu doortay Magaalada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa Maanta waxaa lagu qabtay doorashada shan kursi oo kamid ah kurasta Golaha Shacabka, kuwaasi deegaan doorashadooda ay tahay Magaaladaas.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug ayaa shalay diiwaangeliyay oo shahaadada musharraxmino guddoonsiiyay tartamayaasha Shanta kursi, waxaana si aad ah loo adkeeyay amniga goobta doorashada ay ka dhaceyso.

Kursigii ugu horeeyay oo tirsigiisu yahay Hop#013, waxaa ku soo baxay Aadan Cismaan Xuseen, kaddib markii uu helay 82. Xersi Aadan Rooble ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#101, wuuna helay 88-cod.

Kursiga Saddexaad oo tirsigiisu yahay #HOP001 waxaa ku guuleeysatay Jwaahir Maxamed Axmed,  waxayna heshay 101 cod, kadib markii ay tanaasushay Farxiyo Xassan Maxamed oo la tartamaysay.

Qaladla Cali Cawaale ayaa ku guuleystay kursiga #HOP017 oo ahaa kursiga 4-aad kadib markii uu soo xaadiri wayay msuaharaxii la tartamayay oo ahaa Axmed Cismaan Aadan, waxayna guddiga doorashada ay sheegeen inuu tanaasulay.

Exit mobile version