HORUFADHI MEDIA |

Xildhibaano cusub oo Maanta lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb

Waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ka dhacday doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Doorashada oo aheyd afar kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, isla markaana waxaa doorashada kusoo baxay oo ku guuleystay Xildhibaano cusub oo kamid noqday Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada maanta la doortay ayaa kala ah, Xuseen Maxamed Nuur, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, Cabdisamad Macallin Maxamuud iyo Dayax Axmed Cumar.

Doorashooyinka Golaha Shacabka ayaa haatan ku socda sidii loogu tala galay, waxaana lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo muddadii loo cayimay oo ah 25-ka bishaan Febraayo 2022, iyadoona heshiiskaas ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Exit mobile version