Site icon HORUFADHI MEDIA |

Xildhibaankii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay Garoowe

Xildhibaankii ugu horreeyey xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka imaanaya Puntland ayaa maanta lagu doortay Magaalada Garoowe ee maamulkaasi.

Cabdi Ibraahim Warsame oo ah Wasiir ku-xigeenka Maamulka Puntland ayaa ku soo baxay kursiga koowaad oo labmarkiisa uu yahay HOP196, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Maamulka Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Puntland ayaa ku dhawaaqay in Cabdi Warsame Qawdhan uu kusoo baxay kursiga Hop196, isla markaana waxaa uu helay codad gaaraya 90 Cod, halka Abshir Cabdi Xuseen uu isna helay 6 Cod, waxaana halaabay 2 Cod.

Doorashada ayaa sii socota waxaa la guda-galayaa afarta kursi ee xigta ee loo qorsheeyey in maanta doorashadooda lagu qabto magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa goobjoog ka ahaa doorashada Golaha Shacabka ee ka socota agaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ee Caasimadda Puntland.

Exit mobile version