Site icon HORUFADHI MEDIA |

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka oo Maanta kulan wadajir ah yeelanaya

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa Maanta oo Axad ah kulan wadajir ah ku yeelan doona Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho oo ku dhex taalla Xarunta Madaxtooyada.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada labada Aqal ayaa waxaa uu yahay Akhrinta kowaad ee Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee sanadkaan 2022, sida lagu shaaciyay Qoraal xalay kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuwa Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa xalay loo diray farriimo wargelin ah oo lagu Ogeysiinay kulanka wadajir ah ee Baarlamaanka, isla markaana laga dalbaday kulankaas inay ka qeyb galaan Mudanayaasha.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulanka Golaha shir guddoominaya, waxaana kulankaas wadajirka ah uu saacadaha soo socda uu ka furmayaa Xarunta Villa Hargeysa oo ku dhex taalla Xarunta Madaxtooyada dalka.

Exit mobile version