HORUFADHI MEDIA |

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo galay laba fasax iyo sababta oo la ogaaday

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa fasaxay Xildhibaanada Golaha, sida lagu caddeeyay Qoraal uu soo saaray Xoghayaha Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

Qoraalka uu soo saaray Cabdikariin Buux ayaa waxaa lagu sheegay in Xildhibaanada Golaha Shacabka loo fasaxay Xajka iyo Ciiddul Adxa, isla markaana waxaa uu fasaxa ka bilaabanayaa 1-da bishaan Luuliyo, wuxuuna ku egyahay 15-ka bisha July 2022.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Xildhibaanadda ka codsaday in ay xaadir ku ahaadaan Xarunta Villa Hargeysa oo uu ku shaqeeyo Golaha shacabka maalinta sabtida oo taariikhdu tahay 16 July 2022, si waajibaadkiisa dastuuriga ah u guto.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sidoo kale lagu wargeliyay inay soo dhowday Anixinta Golaha Wasiirada cusub ee uu soo magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Exit mobile version