Site icon HORUFADHI MEDIA |

Xasan Sheekh oo laga joojiyay safar uu ku aadi lahaa London & sababta keentay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga joojiyay safar uu ku tegi lahaa magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska, halkaasi oo uu Madaxweynaha uga qeyb geli lahaa xaflada caleema-saarka Boqorka UK.

Dowladda Ingiriiska ayaa marka hore Madaxweyne Xasan Sheekh ku dartay liiska Madax lagu casuumay xaflada caleema-saarka Boqorka UK, hayeeshee mar dambe ayey UK ka laabatay casuumaadii ay usoo dirtay Madaxweynaha, kana saartay liiska Madaxda.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya sababta looga reebay Madaxda ka qeyb galeysa caleema-saarka ay tahay mid la xiriirta in dowladda Ingiriiska ay xanibaad dhanka safarka ah saartay dalal ay ku jirto Soomaaliya, oo diyaarad ka duushay Muqdisho aysan si toos ah uga degi karin magaalada London.

Sidoo kale wararka ayaa intaas kusii daraya in UK ay Madaxtooyada Soomaaliya ku wargelisay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga reebay liiska Madaxda loo diray casuumaadda, isla markaana uusan kamid aheyn xubnaha madasha tagaya.

Si kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa horey uga qeyb-galay aaskii Boqorada UK, waxaana xusid mudan in xilligaasi Madaxweynaha uusan dalka joogin uuna kasii safray dal kale uu howlo shaqo u joogay.

Exit mobile version