Site icon HORUFADHI MEDIA |

Xasan Sheekh oo shaaciyay in uusan Bad u diidin Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale ka hadlay khilaafka Somalia iyo Itoobiya ayaa si cad u sheegay in isagu marna diidin in Itoobiya bad hesho, balse waxa la isku hayo ay yihiin wadada loo maraayo.

Madaxweyne Xasan wuxuu xusay in la marin habaabiyay khilaafka Itoobiya iyo Somalia kaasoo yimid markii Itoobiyaanku soo fara-geliyeen madax banaanida dhuleed ee Somalia.

“Waxaan cadeynayaa in Itoobiya aanan bad u diidin balse kaliya aan isla fahmi weynay qaabkii aan u siin lahayd”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday inuu rabo inay Itoobiya bada ku soo gaarto sida Uganda ay ku soo gaarto Badda Kenya ugana faa’iideysato.

“Ummadda Soomaaliyeed iyo Caalamkaba waxaan rabaa inaan u caddeeyo, hadii  Itoobiya rabto inay soo gaarto xeebaha Soomaaliya, waan soo dhoweynaynaa, Waxaan rabnaa inay usoo gaarto sida ay Uganda usoo gaartay xeebaha Kenya, sida ay  Ruwanda iyo Burundi u gaaraan xeebaha Tanzania, “ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Itoobiya inay ku soo laabtaan adaabta wanaagsan ee dalalka darisku wax u kala qaataan. Wuxuu  carabka ku adkeeyay in Somalia marna aqbali karin sida Itoobiya wax u raadineyso.

Hadalka madaxweynaha ayaa yimid, iyadoo Itoobiya iyo Somailand ay sheegeen inuu gabagabo ku dhow yahay dhameystirka iyo dhaqan galinta heshiiska badda. Itoobiyaha waxay sheegtay in ay si degdeg u aqoonsanayso madax bannaanida Somaliland.

Exit mobile version