Site icon HORUFADHI MEDIA |

Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Shirka Midowga Yurub & dalalka soo koraya

Magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium ayaa waxaa Maanta oo talaado ah ka furmaya shirka dalalka Midowga Yurub iyo waddamada soo koraya, waxaana shirka uu socon doonaa inta u dhexeysa 25-26 Oktoobar 2023.

Shirkaan ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray Magaalada Brussels isaga iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Madaxwaynaha JFS ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaya ka jeedin doona madasha, shirkaas , Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka ku faah-faahin doona halka uu haatan dalka marayo, dagaalka ka dhanka ah AS, arrimaha deyn cafinta iyo aarimo kale.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in sidoo kale kulan duceedyo la qaato qaar kamid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka ka furmaya magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Exit mobile version