Site icon HORUFADHI MEDIA |

Xafiisyo ka tirsan Wasaaradda Awqaafta DFS oo la xiray & Hanti-dhowrka oo Amar bixiyey

Warar la helayo ayaa sheegaya in xafiisyo kamid ah Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya uu albaabada isugu dhuftay Xafiiska Hanti dhowrka Guud ee Qaranka.

Tallaabadan ayaa ka dambeeysay, kadib markii ay maalmo kahor soo shaac baxday Arrimo musuq-maasuq oo ka jira Wasaarada Awqaafta oo la xiriirta hanaanka bixinta Viisaha Xajka ee sanadkan.

Ilo-wargal ayaa xaqiijiyay in amarka lagu xiray xafiisyada ka tirsan Wasaaradda Awqaafta uu bixiyay Hanti dhowrka, kuna amray in ilaa amar dambe aan la furi karin ay ka mid yihiin: Xafiiska Wasiirka, Xafiiska Agaasimaha Guud, Xafiiska Waaxda Xajka iyo Xafiiska Maamulka iyo Maaliydda.

Sidoo kale waxaa weli jira khilaaf xoogan oo salka ku haaya amar uu Wasiirka Diinta Sheekh Cumar Cali Rooble ku bixiyay in Xarunta Wasaaradda uusan soo gali karin Agaasimihii hore ee Wasaaradaasi Cumar Faaruuq.

Si kastaba Wasaaradda Awqaafta iyi Arrimaha diinta Xukuumadda ayaa kordhisay lacagta xujeyda sanadkaan, waxaana Arrintaas cabasho ka keenay Soomaali farabadan oo sanadkaan isku diyaarineysay inay Xajka aadan.

Exit mobile version