Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wufuud ka kala socota dalalka Yeman iyo Cumaan oo soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray wufuud ka kala socota dalalka Yeman, Cumaan iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, kuwaasi oo lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan ee Caasimadda dalka Soomaaliye ee Muqdisho.

Wafdi ka socday Yeman ayaa waxaa hoggaaminayey La-Taliyaha Madaxa Golaha hoggaaminta Madaxtooyada dalkaas, Yaasiin Makaawi oo wakiil ah Madaxweynaha Golaha Hoggaaminta Madaxtooyada Yemen, Dr. Rashaad Maxamed Al-Calaymi.

Wufuudaan ayaa waxaa Garoonka uuga hortegay oo kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Xukuumadda Duraan Faarax iyo Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyneyaasha dalalka Kenya, Jabuuti iyo Madax kale oo farabadan ay ku jiraan Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ayaa lagu wadaa inay Maanta yimaadan Magaalada Muqdisho, waxaana socota qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo Madaxda.

Wufuudan ayaa ka qeyb galaya Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinta berri oo khamiis ah oo ka dhacay Muqdisho gaar ahaan Xarunta Teendhada Afisyooni.

Exit mobile version