Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wiil uu dhalay Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka oo lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan oo bastoolado watay ayaa Maanta gudaha degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay wiil uu dhalay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Cabdullahi Cumar Abshirow.

Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cumar Abshirow, isla markaana waxaa uu u dhintay rasaas lagu furay, waxaana goobta ka baxsaday dadkii fuliyey dilkaas.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullahi Cumar Abshirow oo walalkiisa Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Abshirow Kooxo hubeysan ku dileen magalada Muqdisho.

“Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo guud ahaan Golaha Shacabka BJFS, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Gudddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullahi Cumar Abshiroow oo walaalkiis Cabdiraxmaan Cumar Abshiroow ay kooxo hubeysan saakay ku dileen Degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Alle uga baryay qoyska, qaraabada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed uu ka baxay inuu samir iyo Iimaan ka siiyo isagoo marxuumka Eebbe Weyne uga baryay in uu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo.

Exit mobile version