Site icon HORUFADHI MEDIA |

Weerar culus oo lagu burburiyay Safaaradii Itoobiya ee Khartuum

Weerar xooggan ayaa lagu qaaday safaaradda dowladda Itoobiya ay ku leedahay magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan, sida ay shaaciyeen Illo diblomaasiyadeeed oo jooga magaaladaasi oo ay ka socdaan dagaalo culus.

Weerarka oo loo adeegsaday hub culus ayaa lagu burburiyay inta badan dhismihii safaaradda Itoobiya ee Suudaan, waxaana maleeshiyadda RSF ee daacada u ah Imaaraadkaka Carabta ku eedeeyeen Milateriga dalkaas in ay weerarkaas fuliyeen.

Xog la helay ayaa sheegeysay in aysan jirin cid waxyeelo kasoo gaartay weerarka, balse safaaradda loo geystay bililiqo, ayna gudaha u galeen ciidamo kala duwan oo loo maleynayo in ay ka tirsanyihiin kuwa ku hardamaya guadaha Suudaan.

Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa bilowday waddo dedaallo ay magaalada Khartuum uga soo saareyso shaqaalaheeda ka howlgala safaaradeeda weerarka lagu qaaday.

Diblumaasi la hadlay BBC-da ayaa sheegay in shaqaale ka tirsan safaaradda Itoobiya lagu dhaawacay weerar todobaadyo ka hor lagu qaaday safaaradda, isla markaana shaqaalahaasi loo geystay tacaddiyo kale.

Exit mobile version