Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wasiirka Jamaal “Hannaanka loo marayo Doorashada Boosaaso waa mid qaldan”

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in hannaanka loo marayo doorashada Boosaaso ay tahay hab khilaafsan habraacyadii lagu heshiiyay doorashada.

Wasiir Jamaal oo wareysi siiyay  BBC-da ayaa u sheegay in doorashada Golaha Shacabka ee ka dhaceysa Boosaaso lagu qabanayo Teendho laga dhisay gudaha Garoonka Magaaladaas, isla markaana arrintaas ay walaac ka muujinaya sida ay wax u socdaan.

Wuxuu intaas kusii daray Wasiirka Qorsheynta in ammaanka goobta lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka Boosaaso ay ilaalinayaan Ciidan aan aheyn Ciidanka Soomaalida ee loogu tala galay Amniga doorashada, sida Booliska ama ciidanka kale ee heshiiska lagu ahaa ee AMISOM.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa xusay in Ciidanka sugaya amniga doorashada ay yihiin Ciidanka PMPF oo uu sheegay in meelo kale laga taageero, taasoo uu sheegay in habraacii ka hor imaaneyso, meel dadka tagi karaan oo furan aanay aheyn oo cadaalad ah.

Exit mobile version