Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wasiirka Gaashaandhigga DFS iyo wafdi la socda oo gaaray Itoobiya + ujeedka

Wafdi ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa safar booqasho ku gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Addis Ababa ku soo dhaweeyay Sarakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca Ethopia iyo madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi, iyagoo loo galbiyey dhinaca magaalada.

Ujeedka Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ee Itoobiya ayaa waxa uu yahay xoojinta xiriirka labada dal iyo kulamo gaar gaar ah oo dhinacyada ku yeelan doonaan magaalada Addis Ababa, iyagoona ka wada hadli doona arrimo kala duwan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dowladda Soomaaliya ay taageero weydiisan doonto Itoobiya, kaas oo ku aadan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee socdo.

Itoobiya ayaa qayb ka ah dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, waxayna ciidamo ka joogan gudaha Soomaaliya, sidoo kale dhawaan ayey aheyd markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha galeen dalkaasi, kadibna ay weerareen dowlad deegaanka.

Exit mobile version