Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wasiirka Cadaaladda XFS oo beeniyay hadal kasoo yeeray Taliyaha Asluubta

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay xabsiga dhexe ee magaalada muqdisho, isagoo ka war bixiyay xaaladda maxaabiista halkaasi ku xiran.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin maxaabiis Roman ah ama lagu hayo 10 sano Xabsiga dhexe ee muqdisho, isagoo xusay in maxaabiista aan la maxkamadayn muddadii loogu tala galayna dhaafay ay sida ugu dhaqsiayah badan cadaalad ku heli doonaan.

Wasiirka cadaaladda XFS oo ka jawaabayay hadal haynta ah in ay jiraan maxaabiis xiran10 sano oo ay bulshadu is weydiineyso ayaa yiri, “Ma jiraan Maxaabiis Roman ah oo 10 sano ku xiran Xabsiga dhexe”.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Taliyaha ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu sheegay inay jiraan maxaabiis Roman ah oo xabsiga dhexe lagu haayo 10 sano iyo kuwo kale oo si micno darro ah isaga xiran.

Exit mobile version