Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wasiir Mukhtaar Roobow oo ka Baaqday Shir ay leeyihiin Wasiirada Diinta

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa lagu wadaa inuu Maanta ka furmo shir u dhexeeya Wasiirada arrimaha Diinta iyo Awqaafta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada dalka.

Shirkaan oo ah mid wadatashi ah ayaa looga arrisan doonaa horumarinta Diinta, dardargelinta dacwada Islaamka iyo xoojinta arrimaha Akhlaaqiyaadka, loogana hortegi lahaa waxyaabaha xun xun , sida dhaqan-xumada iyo isticmaalka maandooriyaha.

Dowladda Federaalka ayaa waxaa shirkaan ka furmaya Kismaayo uga qeyb galaya Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta  Xildhibaan Saalax Shariif Siid Cali, halka sidoo kale halkaas ay iyaguna gaareen Wasiiradda Diinta ee dawlad gobolleedyadda.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya wadaadka Mukhtaar Roobow Cali Abuur Mansuur ayaa ka baaqday ka qeybgalka shirka Kismaayo, lamana oga sababta keentay in Wasiir Roobow uu ka baaqdo shirka.

Si kastaba ha ahaatee shirkani ayaa waxa uu imaanayaa,  Xilli  khilaaf uu hareeyey Sida loo maamulay Tartanka diyaaradaha  qaadaya Xujeyda iyada dhawaan uu soo baxay muran ka dhex bilaawday Guddiga xajka Wasaaradda iyo  Shirkadaha diyaaradaha.

Exit mobile version