Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wasiir ka tirsanaa Puntland oo loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Aqalka Sare

Waxaa goor dhow la soo geba-gebeeyey doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka socotay magaalada Muqdisho.

Doorashadii Gudoomiye kuxigeenka labaad ayaa lagu kalaa baxay, waxaana u taagnaa labo musharax oo wareegii labaad isku soo haray Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde oo ahaa Wasiirka Wafaafinta Puntland.

Guddoonka KMG ah Golaha Aqalka Sare oo ku dhowaaqay natiijada ayaa shaaciyey in gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha uu ku guuleystay Senator Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde.

Guddoomiye Timacade ayaa waxaa uu helay Codad gaaraya ilaa 30 Cod, halka  Musharaxii la tartamayey ee Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu helay 23 cod. waxaana xumaaday hal cod.

Exit mobile version