Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay in aysan maamulin Bogga Twitter-ka SomaliaCOVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in aysan maamulin Bogga Twitter-ka ee COVID-19 ee Soomaaliya oo lagu aflagaadeeyay Shacabka Soomaaliyeed.

War kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda ayaa waxaa lagu caddeeyay in Wasaaraddu kasoo bixin Qoraalka la faafiyey, isla markaana Bogga Twitter-ka ee SomaliaCovid19 uusan kamid aheyn baraha bulshada ee Wasaaradda Caafimaadka.

“Wasaaradda Caafimaaadka ee Dawlada Fedaraalka Soomaaliya waxay caddaynaysaa in qoraalka idinka muuqda sawirka hoos ku lifaaqan ee lagu daabacay bogga ciwaankiisu yahay “ Somalia COVID-19 (@SomaliaCovid19) uusan ka soo bixin Wasaaradda” ayaa lagu yiri Warka ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka.

Waxaa ay intaas kusii dartay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  “Bogga SomaliaCovid19 kamid ma ahayn baraha bulshada rasmiga ah ee Wasaaradda Caafimaadku gacanta ku hayso”.

Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Warbaahinta Horufadhi u xaqiijiysay in Bogga Twitter-ka ee COVID-19 uu gacanta Wasaaradda ka maqan yahay ilaa wakhtigii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Exit mobile version