Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wariye Seerbiya oo Maanta lagu xiray Magaalada Hargeysa, xilli uu ka degay….

Mid ka mid ah weriyeyaasha Soomaalida, gaar ahaan arrimaha fanka sida weyn loogu yaqaano Cumar Seerbiya ayaa sheegay in lagu xiray Garoonka Magaalada Hargaysa oo uu maanta ka dagay.

Ma uusan sheegin sababta, balse farriin uu soo dhigay degelkiisa Facebook ayuu ku sheegay in la xiray, lamana oga sida uu ku haleelay in uu Facebook wax ku qoro iyo sida uu hadda xaalkiisa yahay.

Cumar ayaa ka hawlgala taleefishinka Astaan, isaga oo daadiheeya barnaamijyada fanka, wuxuuna dhowaan qorey buug ka hadlaya fanka Soomaaliya.

Ururrada warbaahinta Soomaalida ayaa aad u cambaareeyay fal lagu xiray Wariye Cumar Seerbiya oo ka howlgala Telefashinta Astaan iyagoona ka dalbaday Somaliland inay si deg deg ah usii daayaan Wariyaha.

Exit mobile version