Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay xiisad ka dhex aloosan Masar iyo Israel

Madaxweynaha dalka Masar, Abdifatah El-sissi iyo RW Israel,  Yair Lapid ayaa waxaa ay xalay khadka Telefoonka kaga wada hadleen Labaatameeyo Askar Masaari ah oo xabaal-wadareed lagu aasay sanadkii 1967-dii.
Afhayeenka Madaxtooyada Masar,  Bassam Rady ayaa sheegay inay labada hoggaamiye isku waafaqeen inay Israel baaraa dilka iyo Aaska Ciiddanka Masaarida oo ay Warbaahinta Israel sheegeen in lagu aasay Barxadda The Mini Israel  Park oo ku taalla meel ku dhow Degaanka Latrun oo u dhaxeyso magaalladda Yerushalayim iyo Galbeedka magaalladda Tel Aviv.

Warbaahinta Israel ayaa waxa ay qoreen in Askar Masaari ah oo tiradooda dhamayd 100 Askari  la dilay, laguna aasay Qabuur-wadareed ku yaalla  Barxadda The Mini  Israel Park oo haatan laga dhigay Goob loo dalxiis tago.

Wargeysyada Israel ee lagu kala magacaabo Yedioth Ahronoth iyo Haaretz waxay daabaceen Qalab la kaydiyey  (archival materials) iyo Wareysiyo lala yeeshay dadka Deegaanka lagu waayey Askartii Masaarida sanadkii 1967-dii.

Masar iyo  Israel waxay sanadkii 1979-kii kala saxiixdeen Heshiis Nabadeed oo lagu soo afjaray dagaalkii 6-da maalmood ee dhacay sanadkii 1967-dii.

Exit mobile version