Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Somaliland oo saaka xasuuq ba’an ka geysatay Laascaano

Waxaa maalintii lixaad oo xiriir ah uu dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka Maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka uu ka socdaa magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, xilli xalay Somaliland ay ku dhawaaqday xabbad-joojin.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka u dhexeeya dhinacyada uu xooggiisa haatan uu ka socdo aagag ku dhow Saldhig ciidanka Somaliland ay ku leeyihiin duleedka Laascaanood, waxaana dagaalka la isku adeegsanayaan hubka cul culus.

Ciidamada Somaliland ayaa hoobiyeyaal iyo hub kale ku garaacay gudaha Laascaanood, kuwaasi oo qaarkood ku dhacay Isbitaalka weyn ee magaalada, dad shacab ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday hoobiyeyaasha ay soo tureen ciidanka Somaliland.

Dhinaca kale Maamulka Somaliland oo ka hadlay dagaalka saakay mar kale dib uga bilowday Laascaanood ayaa waxaa ay sheegeen in lasoo weeraray xeryaha ciidamadooda, kadibna ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Somaliland ee Magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii Argagixisada ahaa ee dagaalka ka wada Laascaanood, ciidamada Qaranka SL wey iska difaaceen,” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Somaliland.

Xaaladda guud ee Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana magaalada isaga barakacay qoysaskii daganaa, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka ka socda halkaas.

Exit mobile version