Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Shil sababay khasaaro oo ka dhacay Magaalada Hargeysa

Shil sababay khasaaro dhaawacyo ah ayaa xalay fiidkii ka dhacay xaafada Faluuja ee degmada 31-may ee magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, waxaana laga helayaa faah faahino dheeraad ah.

Shilka ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii gaari ay saarnaaayeeen uu ku dhacay xaafada Faluuja ee degmadda 31-may ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa, mana jirto wax dhimasho ah oo ka dhashay shilkasi.

Inta la xaqiijiyey 9 qof ayaa ku dhaawacmay shilka, Dhacdada ka dib ayaa waxaaa goobta ay wax ka dhaceen gaaray Ciidanka Dab-demiska ee hargeysa oo si dhakhso ah u gaaray goobta uu basku ku dhacay una sameeyay gurmad.

Dadka dhaawaca ah oo ay ku jiraaan Saddex carruur ayaa la geeyay isbitaalada magaalada Hargeysa halkaas oo xaaladooda Caafimaad lagula tacaalayo.

Shilalka noocaan oo kala ah ayaa ah kuwa mararka qaar ka dhaca dhulka soomaalida, waxaana dhowr jeer degaannada Somaliland ka dhacay shilalka gawaarida kuwaaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Exit mobile version