Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Wararkii ugu danbeeyay Qaraxii ka dhacay Muqdisho iyo Booliska oo ka hadlay

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa barqadii Maanta ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta ee degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, qaraxaas oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolkaan Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa mid uu fuliyey qof isku soo xiray jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana waxaa uu isku dhex qarxiyey dad shacab ah iyo Askar ka tirsan Ciidanka Booliska oo ku sugnaa Bartanka Isgoyska Ceel-gaabta ee Muqdisho.

Dadka waxyeelada kasoo gaartay qaraxa ayaa u badan dad shacab ah oo wadada marayey, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in inta uusan qaraxa dhicin uu goobta maray gaari Bas ah oo ay saarnaayeen Ergo u socotay doorashada Gobolada Waqooyi.

Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Cabdititaax Aadan Xasan oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in qof Is-miidaamiye ah uu isku dhex qarxiyey dad shacab ah, wuxuuna yiri “Abaaro 1026hrs waxaa shaqsi Naftii Halige ah Isku Qarxiyey Isgoyska Ceelgaabta xili ay wada xirneyd, wuxuuna ku dhax qarxay Dad tayid  ah, wixii Qasaara ah dib ayaan ka soo sheegeynaa”….

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version