Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Qarax Maanta ka dhacay Muqdisho & Booliska oo hadlay

Qarax miino lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa duhurnimadii Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaar ahaan kasoo horjeeda Mall-ka degmada Xamar-weyne, jugta qaraxa ayaa laga maqlay degmooyin ka tirsan Muqdisho.

Gaariga oo yaallay meel Baakin ah ayaa mar qura qarxay, waxaana gaariga ka kacay dab xooggan oo ka dhashay qaraxaas dhacay, muuqaalo lasoo duubay oo lagu baahiyay baraha Bulshada ayaa lagu arkayay gaariga oo gubanaya, kadina la deminayo dabka.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray qaraxa, Qoraal ka soo baxay Taliska ciidanka booliska ayaa waxa lagu sheegay in qaraxaan uu ka dhashay khasaare kooban, kaasi oo ku eg gubashada gaariga lagu soo xiray qaraxa.

“Maanta 17/May/2023, abaare 01:00 Duhurnimo, ayaa qarax qof muwaadin ah loogu xiray gaarigiisa oo nuuciisu yahay Surf, kaas oo ka dhacay Degmada Xamar-weyne agaagaarka Muqdisho Mall,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska Soomaaliya.

Ma jiro wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxa, sidoo kalena Mana jirto illaa haatan cid sheegatay masuuliyadda qaraxaan, oo Booliska uu sheeay in gaariga qof muwaadin ah lagu xiray, inkasta oo inta badan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay qaraxyada ka fuliso kooxda Al-Shabaab, oo guluf culus uga socdo qeybo kamid ah gobollada dalka.

Exit mobile version