Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Qarax lagu dilay Injineero oo ka dhacay gudaha Kenya

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo saacadihii lasoo dhaafay Injineero ka tirsanaa shirkad dhismo lagula beegsaday deegaan ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ay la socdeen Injineerada oo ku howlanaa dhismaha wadada tareenka ee isku xiraya dalalka Kenya iyo Itoobiya, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha Kenya.

Inta la xaqiijiyay afar qof ooo saddex kamida ay yihiin Injineerada ayaa ku dhintay qaraxa, halka tirro dad kalena ah ay dhaawacyo kasoo gaareen qaraxaas ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari.

Taliyaha Booliska Waqooyi Bari George Seda ayaa tagay halka weerarka uu ka dhacay, isagoo sheegay iney baxsadeen dableyda weerarkan geysatay, balse ay ku daba jiraan laamaha amaanka.

Si kastaba, Al-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac la eegtay shaqaale dhismo ka waday waddooyin ku yaalla gudaha Kenya.

Exit mobile version