Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Qarax khasaaro dhaliyey oo Maanta ka dhacay Muqdisho

Qarax xooggan oo loo adeegsaday Mooto Bajaaj ayaa saaka oo Axad ah ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana laga helayaa faah faahino dheeraad ah qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsa Gobolkaan Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa lagu waday Mooto Bajaaj oo ay saarnaayeen illaa saddex nin oo la sheegay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay wadada Jeneraal Daa’uud ee degmada Xamar-jajab, ee Muqdisho

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa, sida lagu sheegay War kasoo baxay Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya, Booliska ayaa tilmaamay in mootada ay qaraxday iyadoo ay eryanayaan ciidanka amniga.

Booliska ayaa xaqiijiyay in Mooto Bajaajta ay soo jiirtay bar lagu hubiyo gadiidka oo ku taalla wadada Jeneraal Daa’uud ee degmada Xamar-jajab, kadibna rasaas lagu furay Mooto ay halkaas ku qaraxday.

Sidoo kale Taliska Booliska dowladda ayaa sheegay in saddex ruux oo la socotay Mootada ay ku dhinteen qaraxii dhacay, halka qof shacab ah oo wadada marayay uu dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey uga dhacay qaraxyo isugu jiray kuwo Is-miidaamin ah iyo miinooyin, kuwaasi oo geystay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed, Al-Shabaab ayaana sheegata mas’uuliyada qaraxyadaas.

Exit mobile version