Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Mas’uul ka tirsanaa DF oo ku geeriyooday dhaawac gaaray

Waxaa xalay Isbitaal ku yaalla Magaalada  Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku geeriyooday Madaxii hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiyey Gaalkacyo, kaasi u dhintay dhaawac kasoo gaaray Madaxa.

Rag hubeysan oo watay Bastoolado ayaa habeen hore Cilmi Cali Guuleed oo ahaa Madaxii hay’adda socdaalka ku furay rasaas xoogan oo waxyeelo ka gaarsiisay qeybaha sare ee jirkiisa, isla markaana uu soo gaaray dhaawac halis ah, lana geeyay Isbitaal.

Marxuum Cilmi Guuleed ayaa Isbitaalkii loo geeyay in xaaladdiisa Caafimaad lagula tacaalo ugu geeriyooday dhaawacii ay u geysteen raggii hubeysnaa oo isla habeen hore falka kadib goobta ka baxsaday, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Gaalkacyo.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu khaarijiyey Madaxii hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiyey Gaalkacyo, balse inta badan dilalka dadka mas’uuliyiinta loo geysto ayaa waxaa sheegta Al-shabaab.

Exit mobile version