Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Macalin Dugsi lagu dilay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Macalin Dugsi Qur’aan oo habeenimadii xalay aheyd lagu dilay xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir, iyada oo dabley hubeysan oo dilkaas geysatay ay durbadii goobta isaga baxsadeen.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Macalin dhigi jiray Dugsi lagu barto Qur’aanka lagu  dilay xaafadda Nageyle ee degmada Kaaraan, xilli uu kasoo baxayey Masjid uu sidoo kale ahaa Macalin Kutubta diintana ka Akhrin jiro, isagoo u dhintay rasaas lagu furay.

Allaha u naxariistee Macalinta la dilay ayaa waxaa magacaabi jiray Macalin Nuur Maxamed Jimcaale, waxaana dilkiisa aad uga naxay qoyskiisa iyo waalidiinta uu Carruurtooda bari jiray Qur’aanka, wuxuuna Macalin Nuur uu Akhrin jiray Kutubo.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ragga dilka geystay oo watay Qori AK-47  ay  ahaayeen burcad hubeysan, kuwaasi oo la tilmaamay inay macalinka ka qaateen telefoonkiisa gacanta, ayna goobta ka baxsadeen.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa todobaadyadii la soo dhaafay ku soo batay dilalka iyo dhaca loo geysanayo dadka rayidka ah, kuwaasoo ay ka dambeeyaan Kooxo Burcad ah oo hub kala duwan isticmaalaya.

Exit mobile version