Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Khasaaraha Dagaaladii ka socda Laascaano tiro beel noqday

Waxaa maalintii 9-aad oo xiriir ah magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ka soconaya dagaalo xooggan oo u dhexeeya ciidanka deegaanka iyo ciidamada maamulka Somaliland oo duqeyn aan loo meel dayin kuwa gudaha Laascaanood.

Dagaalkii ugu cuslaa ayaa xalay ka dhacay duleedka Laascaanood, soona gaaray illaa barqadii maanta, duqeymo xooggan ayey xalay ciidamada Somaliland ku garaaceen guryo ay degan yihiin dad shacab ah iyo xarumo kale oo ku yaalla halkaas.

Khasaaraha ka dhashay dagaalada iyo duqeynta dhacday ayaa sii kordhay, in ka badan 100 qof ayaa dhimasho ku noqday dagaalada, halka boqolaal qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kumanaan qof kalena waxaa ay ku barakaceen Colaada Laascaanood.

Garaadada iyo Odayaasha dhaqanka ku sugan Laascaanood ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay xasuuq ba’an ka geysanayaan magaalada, isla markaana ay madaafiic la dhacayaan goobaha ay ku sugan yihiin dadka shacabka ah ee ku haray magaalada.

Illaa iyo hadda ma jiro wax xal ah oo laga gaaray colaada sii dheeraatay iyo dagaalada xooggan ee maalintii 9-aad oo xiriir Laascaano ku dhexmaraya ciidanka deegaanka iyo ciidamada maamulka Somaliland.

Exit mobile version