Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Ganacsade caan ah oo lagu dilay Magaalada Laascaanood

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo saacadihii lasoo dhaafay nin ganacsade ahaa ku dishay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaasi oo ahaa shaqsi siweyn looga yaqaanay Gobolkaas.

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in dableydii hubeysneyd ay ninka ganacsadaha ahaa ay rasaas uga dhufteen qeybaha sare ee jirkiisa, isla markaana uu goobta ku naf-waayay, waxaana markii dambe goobta uu falka ka dhacay meydka marxuumka.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Jaamac Cilmi Kadiye  (Jaamac Qaxooti), isagoona ka mid ahaa ganacsatada waa weyn ee ku dhaqan magaalada Laascaanood, ragii ka danbeeyay dilkiisa ayaana baxsaday.

Dilkan ayaa noqonaya kii 3aad ee noociisa ah oo ka dhaca magaalada Laascaanood tan iyo 22-kii bishii December oo Maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdim si xoog ah looga saaray Laascaanood oo ah xarunta gobolka Sool.

Exit mobile version