Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Fahad Yaasiin oo Maanta kusii jeeda Magaalada Baladweyne

Agaasimihii hore ee hay’adda Nabadsugida Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa Maanta kusii jeeda Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana Garoonka diyaaradaha Ugaas Khilaaf ka socota qaban-qaabada soo dhaweyntiisa.

Gelinkii dambe ee shalay oo jimco aheyd ayaa waxaa Garoonka Baladweyne ka degtay diyaarado siday Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Nabadsugida dowladda Federaalka, kuwaasi oo ilaalo u ah La-tliyaha amniga Qaranka Fahad Yaasiin.

Ujeedka Fahad Yaasiin ayaa waxaa uu yahay doorashada kursiga hop86 oo uu sharaxan yahay, isla markaana uu doonayo in loo doorto Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Agaasimihii hore ee hay’adda Nabadsugida ayaa la sheegay inuu degi doono meel amnigeeda siweyn loo adkeeyo oo ku taalla Magaalada Baladweyne,  sidoo kalena waxaa halkaas gaaray ergada doorashadiisa.

Exit mobile version