Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Duqeyn lagu dilay Askar iyo dad Rayid ah oo dhacday

Ugu yaraan 5 qof oo uu ku jiray Askari ka tirsanaa Milliteriga dalka Syria ayaa dhintay, halka 15 kalena ku dhaawacmeen Duqeyn ay Diyaaradaha Dagaalka ee Israel saqdii Dhexe ee xalay ka geysteen degmooyinka K/Galbeed ee Caasimadda dalkaasi ee Dimishiq.

Qoraal ka soo baxay Taliska Milliteriga ee dalka Syria oo ay Wakaallada Wararka ee SANA baahisay ayaa lagu sheegay inay duqeyntaasi dhacday saqdii dhexe ee xalay.

Diyaaradaha Dagaalka Israel ayaa waxay Gantaalada ka soo tuurayeen Hawada Sare ee buuraleyda La-haysto ee Golan Heights, iyagoo beegsaday deegaan ka tirsan Caasimadda Syria iyo daafaheeda.

Duqeymahaasi ayaa waxay geysteen dhimasho, dhaawac iyo burbur Dhismooyin iyo mid Hantiyeed.

Ilaa 5 qof oo uu Askari ka mid ahaa ayaa ku dhintay Duqeymahaasi, halka 15 qof oo Rayid ah ku dhaawacmeen oo qaarkood soo gaareen dhaawacyo halis ah, laguna daaweynayo Isbitaalada.

Exit mobile version