Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Diyaaradaha Kenya oo Dad shacab ah ku xasuuqay Gedo

Wararka aan ka heleyno deegaanka Ceel-Cadde oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka dhacday duqeyn dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaarado loo maleynayo inay leeyihiin ciidamada dowladda Kenya.

Duqeynta ayaa dhalisay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa goobaha la duqeeyay ee deegaanka Ceel-Cadde, dhowr Gantaal oo ay soo rideen diyaarado joog hoose ku socday ayaa ku dhacay dad shacab ah.

Qaar kamid ah dadka deegaanka Ceel-Cadde ayaa kusoo warramay inay maqlayeen jugta dhowr Gantaal oo ay rideysay diyaarad, ayna ku dhaceen goobo ay joogeen dad Rayid ah, iyaga oo tilmaamay inuu jiro khasaarpo nafeed iyo mid hantiyadeed intaba.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa geeriyooday duqeynta diyaaradeed ee dhacday, waxaana sidoo kale jira dad dhaawacmay, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada dadka dhaawacmay, waxaana xusid mudan inay gubteen guryo duqeynta ku dhacday.

Illaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay Maamulka Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya oo ay uga hadlayaan duqeynta ka dhacday deegaanka Ceel-Cadde. Marar badan ayey sidaan oo kale diyaarado dagaal ay duqeyn geysatay khasaaro uga fuliyeen Gobolka Gedo.

Exit mobile version