Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Dil Maanta ka dhacay xaafad ka tirsan Degmada Afgooye

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa barqadii Maanta waxaa ay dil ka geysteen xaafadda Doolaale oo ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana falkaas dhacay kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Dad ayaa waxaa ku warrameen in rag hubeysan ay  laba ruux ku dileen gudaha xaafadda Doolaale, isla markaana dilka kadib ay goobta baxsadeen, waxaana labada ruux ee la toogtay lagu kala magacaabi jiray Cumar Gaduudow iyo Qaasim.

Ragga la dilay mid kamid ah waxaa la sheegay inuu la shaqeyn jiray Guddoomiyaha degmada Afgooye, halka mid kale uu gacan yare u ahaa Guddoomiyaha Xaafada Doolaale ee degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Booliska degmada Afgooye ayaa tegay goobaha ay dilalkan ka dhaceen, iyagoo halkaasi ka sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyay dilkaas oo baxsaday.

Exit mobile version