Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Dhul-giriir xoog leh oo mar ka dhacay Syria & Turkiye

Dhowr qof oo ku geeriyootay, 213 kalena wey ku dhaawacmeen Dhugariirkii caawa mar kale ka dhacay Türkiye

Labo Dhul-gariir oo xooggan ayaa mar kale ka dhacay Gobalka Hatay ee dalka Turkiga, una dhow xuduudka dalka Syria.

Hay’adda Türkiye ugu qaabilsan Masiibooyinka iyo Maaraynta Gurmadka Degdega (AFAD) ayaa sheegtay inuu Dhul-gariirka Koowaad ka dhacay degmada Defne abaarihii wuxuuna Halbeegiisu ahaa 6.4 Richter Scale.

Dhul-gariirka Labaad ayaa waxa uu Halbeegiisu ahaa 5.8 Richter Scale, kaasi oo xuduntiisu ahaa degmadda Samandağ ee Gobalka Hatay ee dalka Turkiga.

Laba Dhul-gariir ayaa waxaa u dhexeysay muddo 3 daqiiqo oo keliya, iyadoo dadka dareemeen Cabsi aad u daran.

Saddex qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen, halka ay 213 kalena ku dhaawacmeen Dhul-gariirka oo xalay oo Isniin aheyd ka dhacay Koonfurta Türkiye una dhow xuduudka dalka Syria.

Si kastaba ha ahaatee,  Hay’adda Turkiga ugu qaabilsan Masiibooyinka iyo Maaraynta Gurmadka Degdega (AFAD) waxay ugu baaqeen dadka inay ka fogaadaan dhulka xeeblayda  cabsi khatarta inuu sare u kaco heerka  Badda oo laga yaabo inuu kor u dhaafo ilaa 50 sentiimitir oo u dhiganta 1.6 cagood (The risk of sea level rise, which may reach up to 50 centimeters (1.6 feet).

Exit mobile version