Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Dagaalo culus oo maalintii 8-aad ka socda Laascaano

Dagaalo xooggan oo u dhexeeya ciidanka deegaanka iyo kuwa Somaliland ayaa maalintii 8-aad ka socda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana gudaha magaalada kusoo dhacaya duqeymo ay geysanayaan ciidamada Somaliland.

Dad la hadlay ayaa waxaa ay u sheegeen in dagaalka xoogiisa uu maanta ka socdo koonfurta Laascaanood, waxaana dagaalkaas uu ka danbeeyay kadib markii ciidanka Somaliland ay isku dayeen inay weeraraan saldhig ay ku sugan yihiin ciidanka degaanka.

Hubka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan kuwa waaweyn ayaa la isku adeegsanayaa dagaalka galay maalintii 8-aad oo xiriir, khasaaro lixaad leh oo dhimasho iyo dhaawac ayaana ka dhashay dagaalka, inta badan dadkii deganaa Laascaanood ayaa barakacay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in khasaaraha in tirada dhimashada ay korortay, ayna  kor u dhaaftay iillaa 100 qof, dhaawacana uu ka badan yahay, dhaawacyada aya  noqtay tiro beel, iyaga oo buux-dhaafiyey Isbitaalka weyn.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka maanta dib uga bilowday koonfurta magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Exit mobile version