Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal xooggan oo maalintii 4-aad ka socda Laascaano

Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka deegaanka iyo ciidanka Maamulka Somaliland ayaa maalintii afaraad oo xiriir ah ka socda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana halkaas saaka oo khamiis ah ka bilowday dagaal culus.

Dagaalka oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu xooggiisa si gaar ah uga socdaa aagga xerada Qooja-cadde ee Laascaanood, dhawaqa hubka ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada iyo meelaha ku dhow.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka saakay uu bilowday, kadib markii ciidanka Somaliland ay soo qaadeen dagaal rogaal celin ah, kadib gelinkii dambe ee shalay ay ciidanka Somaliland xoogaa dib looga riixay goobo ay ku sugnaayeen.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac farabadan ayaa ka dhashay dagaalka, waxaana la xaqiijiyay inay dagaaladii ka dhacay magaalada Laascaanood ku dhinteen in ka badan 40 qof, halka dad kabadana 150 kale ay dhaawac yihiin, oo xaaladdooda la dabiibayo.

Ciidanka Somaliland ayaa madaafiic ku garaacay Isbitaalka Laascaano, masaajido ku yaalla magaalada iyo guryo ay degan yihiin dad shacab ah, ciidanka deegaanka ayaa ciidanka Somaliland u diiday inay soo galaan magaalada, waxaana lala galay dagaal faraha looga gubtay.

 

Exit mobile version