Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo mar kale Maanta dhexmaray ciidanka deegaanka ee SSC iyo ciidanka Maamulka Somaliland oo ku sugan aaga gooja-cadde ee duleedka magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Warar la helayo ayaa sheegaya in ciidanka SSC ay aroortii hore ee saaka ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen ciidanka Maamulka Somaliland, halkaasi oo la tilmaamay in ciidanka maamulka ay ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan.
Khasaaro kala duwan ayaa lagu warramayaa inuu dagaalkii ka dhashay, in kastoo aysan jirin cid si rasmi ah u xaqiijin karta khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi dhexmaray ciidanka maamulka Somaliland ee iyagu mar kasta duulaanka iyo ciidanka ee SSC.
Xaaladda goobihii lagu diriray ayaa wali ah mif kacsan,
Dagaalka magaalada Laascaanood ayaa galay bishii saddexaad oo xiriir ah, wuxuuna sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaaladaas oo shacabkii ay ka barakaceen.