Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal culus oo ka socda degaan ka tirsan G/Hiiraan

Wararka aan ka heleyno deegaan lagu magacaabo Inji oo hoostaga degmada Jalalaqsi ee  Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya ciidanka xoogga dalka, kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab uu ka socdo degaankaas ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka danbeeyay kadib markii ciidanka xoogga oo kaashanayay ciidanka deegaanka ee macwiisleyda ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana uu sidaas ku bilowday dagaalka.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dagaalka ku jira oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in dagaalka socda ay Al-Shabaab khasaaro ku gaarsiiyeen, ayna ka dileen xubno dhowr ah, waa sida ay hadalka u dhigeen..

Sidoo kale saraakiisha ciidamada ayaa intaas kusii daray in laga fashiliyay oo laga hortagay weeraro Shabaabka damacsanaayeen inay kusoo qaadaan saldhigyo ciidamada xoogga iyo kuwa macwiisleyda ay ku leeyihiin degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Si kastaba, tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa Shabaabka la qabsaday degaano farabadan oo ay ku sugnaayeen sannado dhowr ah, waxaana dowlada ay Al-Shabaab kula jirtaa dagaalo adag oo dhinacyo kala duwan ah.

Exit mobile version