Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal culus oo hadda ka socda Hiiraan

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa guulo hordhac ah ka gaaray dagaal saakay ka bilowday inta u dhexeysa deegaannada Baardheere iyo Beerxaano oo ku yaalla duleedka koonfureed ee magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha hoggaamineysa dagaalka ayaa ii sheegay in dagaalka oo ka dhacay seddex aag, labo kamid ah ay la wareegeen ciidamada dowladda.

Wararka laga helayo Baardheere ayaa sheegaya in ku dhowaad 200 oo ah ciidamada macawiisleyda oo ka yimid jihada Ceel-hele, Darawe iyo Gal-xamur ay soo gaareen si ay ugu biiraan dagaalka.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa hoggaaminaya ciidamada weeraray fariisimaha kooxda AS ay ka sameysteen dhulka miyigi ah.

Exit mobile version