Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Dad ku le’day Toogasho ka dhacday Koonfur Afrika

Toogasho ay dad badani ku dhinteen ayaa xalay ka dhacday Maqaayada lagu Caweeyo oo ku yaala dalka Koonfur Afrika.

Ugu yaraan 14 qof ayaa lagu dilay Baar/Maqaayad lagu caweeyo oo taala xaafada isku raranka ah ee Nomzamo ee hoostagta deegaanka Soweto ee magalada Johannesburg sida uu sheegay taliyaha booliska gobolka Gauteng Elias Mawela oo la hadlay warbaahinta goor hore oo saakay ah.

Taliyaha booliska gobolka Gauteng, Elias Mawela, waxaa uu sheegay in tiro dad ah ay galeen baarka isla markaana ay bilaabeen inay toogtaan dadkii goobta ku caweynayay waxaana uu xusay in ciidamada dambi baarista ay gaareen goobta uu weerarka ka dhacay oo ah deegaanka Nomzano ee dhaca duleedka deegaanka isku raranka ah ee Soweto magalada Johannesburg.

Weerarka toogashada ah oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 10 qof oo kamid ah dadkii ku caweeynayay baar-ka

Warbaahinta maxaliga ah ayaa dhanka kale tabineeysa toogasho kale oo ka dhacday maqaayad lagu caweeyo oo ku taala magalada Pietermaritzburg ee gobolka KZN

Ugu yaraan 4 qof ayey wararku sheegayan in halkaasi lagu dilay 8 qof ka badane lagu dhawacay

Exit mobile version