Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Ciidankii Somaliland oo Dagaal looga saaray Laascaanood

Dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidamada Booliska Maamulka Somaliland iyo shacabka kacdoonka ka wada Laascaanood ayaa xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana dagaalkaas laga helayaa faah faahino dheeraad ah.

Dagaalkan ayaa waxaa uu markii hore ka bilowday carro ka dhalatay Nin shacab ah oo si bareer ah ay ciidamada Somaliland ugu dileen gudaha Laascaanood, waxaana markii dambe hubka qaatay oo isku abaabulay dadka deegaanka oo dagaal la galay ciidankii joogay magaalada.

Khasaaro kala duwan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay dagaalka oo saacad ka badan socday, waxaana dadka deegaanka ee hubka qaatay u suura-gashay inay la wareegaan gacanta ku heynta Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood.

Xaaladda ayaa haatan ah mid u kacsan, waxaana labada dhinac ay weli dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan magaaladaas, ciidamada deegaanka ee magaalada la wareegay ayaa dib u fasaxeen adeeggii isgaarsiinta, gaar ahaan Internet-ka oo ay horay u xireen ciidamada Somaliland.

Laascaanood waxay maalmahan ku jirtay xaalad adag, waxaa hakad-galay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada, sida ganacsiga, waxbarashad iyo isku socodka dadweynaha, iyadoona ciidanka Somaliland ay dad badan ku dileen Laascaanood.

Exit mobile version