Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Ciidanka Liyuu Boolis oo Dad shacab ah dilay

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad deeganka Soomaalida ee Liyuu Booliska oo saacadihii lasoo dhaafay rasaaseeyay dad shacab ah oo ku sugnaa degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxay.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in sababta ay ciidamada u rasaaseeyeen dadka ay aheyd, kadib markii ciidamada iyo dadka oo ka gadoodsanaa ceel biyood ay dowladdu ka qodi lahayd tuulada Xodey gaajo ay isku dhaceen.

Inta la xaqiijiyay laba Ruux ayaa ku geeriyootay rasaasta ay fureen Ciidamada liyuu Boolis, waxaana la xaqiijiyay in Ceelka aan lagu qodeyn rabitaanka dadka degaanka balse lagu qodayay rabitaanka dad tuulo kale degan.

Dhinaca kale hoggaanka Nabadgalyada ee degaanka Soomaalida Dayib Axmed Nuur ayaa dhankiisa sheegay in ugu horreyn ka xun yihiin waxa goobta ka dhacay, dhowr jeer ayey sidaan oo kale ciidamada Liyuu Boolis ay dhibaato ugu geysteen dad shacab ah.

Exit mobile version