Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Ciidanka Dowladda oo dilay Saraakiil sare oo ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Koofur galbeed, ayaa saakay howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Dhursheen Shabeelle oo 35 km u jirta degmada Xuddur gobolka Bakool.

Howlgalka laga fuliyay deegaanka Dhursheen ayaa waxaa lagu dilay laba ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab oo halkaas ku sugnaa, iyagoona iska horimaad la galay Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelbarde, Cumar Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidanka ay arroor hore oo saaka oo isniin  ah ay weerar qorsheysan ku dileen, Axmed Moorogaabeey iyo Cali Garweyne oo Khawaarijta u qaabilsanaa arruurinta lacagaha baadda ah iyo jidgooyooyinka.

Dilka labadan Sarkaal ayaa waxaa la sheegay inuu saameyn weyn ku yeeshay Al-shabaabka ku sugan deegaanada gobolka Bakool, maadaama ay ahaayeen Saraakiil muhiim ah oo Gobolka ka howlgalayey.

Abaabul aad u xoogan oo loogu diyaar garoobayo dib u xoreynta gobolada ayaa ka socda degmada Ceelbarde, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Koofur Galbeed.

Exit mobile version