Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Ciidamo ka tirsan Kenya oo Qarax khasaaro dhaliyey lala eegtay

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax sababay khasaaro oo saacadihii lasoo dhaafay deegaan u dhow magaalada Gaarisa ee waqooyiga Bari Kenya lagula beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Kenya.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa ay Al-shabaab la beegsatay gaari nooca Booliska oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya oo ilaalo ka haayay shaqaale dhismo ka waday waddada tareenada ee magaalada Gaarisa.

Inta la xaqiijiyay laba Askari iyo hal qof oo dumar ah ayaa ku dhintay qaraxa oo ahaa mid xooggan oo jugtiisa la maqlay, waxaana durbadii goobta ku gubtay gaariga la qarxiyey, iyadoona degaanka uu qaraxu ka dhacay ay isaga tageen  shaqaalihii dhisayay waddada.

Mas’uul ka tirsan dowladda Kenya oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in Al-shabaab ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah Gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, isla markaana sida uu sheegay inay Shabaabka cunaqabateyn saareen degmooyin ka tirsan Gobolka.

Wuxuu intaas kusii daray hadalkiisa mas’uulka hadlay in laamaha ammaanka ee Booliska ay ku wargeliyeen dhibaatooyin dhacay, isagoona xusay inay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga, Al-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo ku dishay Saraakiil iyo Askar Kenyaan ah.

Exit mobile version