Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Ciidamo isku hor-fadhiya Maanta Magaalada Baydbabo

Ciidanka ammaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Ciidamo taabacsan Musharaxiita xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa markale maanta isku hor fadhiya xaafado  ka tirsan Magalada Baydhaba Xarunta Gobolka Baay.

Ciidankii ilaalada u ahaaa Wasiir hore Fargeeti ee shalay dagaalamay ayaa dib isu soo abaabulay iyaga oo garab ka helaya ciidanka musharaxiita kale qaarkood, sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Gebi ahaan waxaa Baydhabo maalintii labaad hawada ka maqan adeega Internet-ka iyo qadadka taleefanada, xili waliba waxaa la filan karaa isku dhacyo hor leh oo ka dhaca magaalada.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ku baaqay in la joojiyo colaada, isla markaana tilmaamay inuu ka xun yahay dagaalkii shalay dhacay, wuxuuna ku baaqay in nabada laga shaqeeyo, Mucaaradka Koonfur galbeed ayaa abaaul ka dhan ah Lafta-gareen ka wada Muqdisho.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii shalay dhacay, in ka badan 8 ruux ayaa ku dhintay dagaalka, halka tirro kalena oo dad ah ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalada magaalada, si loogu daaweeyo.

Exit mobile version