Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Askari la dili rabay oo Madaxa ka toogtay Ninkii dili lahaa

Askari ka tirsan Ciidanka Nabadsugidda ayaa xalay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ku dilay nin ka tirsanaa Ururka Al-shabaab, kaas oo doonayay in uu isagu dilo.

Ninkan ayaa askariga iyo nin shacab ah oo la socday ku weeraray agagaarka Xarunta Shirkadda Telecom Isgaarsiinta ee Hormuud, isagoona rasaas la dhacay.

Korney Aadan Axmed Xirsi (Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ninkaasi uu isku dayay in uu qoriga ka qaato askariga, isaga oo moodayay in uu dhintay, balse askariga oo dhaawac ahaa ay u suurtagashay in ninkaasi uu madaxa ka toogto.

Rufle ayaa xusay inaanay jirin cid kale oo ninkaasi la socotay, xilligii uu isku dayga dilka gaysanayay.

Exit mobile version