Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Askari ka tirsan Ciidanka DF oo dilay Darawal Mooto

Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duhurnimadii maanta oo khamiis ah waxa uu darawal Mooto Bajaaj uu ku dilay gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Dad ku sugan Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay in dilka loogu geystay darawalka Mooto uu yimid, kadib markii uu muran kooban soo kala dhex-galay darawal ka iyo Askariga, taasi oo keentay inuu Askariga rasaas ku furo darawalka oo goobta ku dhintay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askariga uu dilka geystay, kadib uu goobta ka baxsaday, waxaana dilkaas durbadii ka dhashay banaanbax ay dhigeen qaar kamid ah dadka deegaanka Afgooye oo ay uga horjeedeen dilka darawalka Mooto Bajaaj.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tegay halka uu ka socday banaanbaxa, kuwaas oo kala eryay dibad-baxayaasha, illaa iyo hadda Askariga falka geystay ayaa gacanta lagu soo dhigin.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa sii kordhayay dilal loo geysanayo wadeyaasha kaxeeya Bajaajta oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo shaqo abuur ka dhigtay mootadaasi.

Exit mobile version